Home Wararka Somaliya Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya oo si weyn Loogu soo dhaweeyay Cadaado.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya oo si weyn Loogu soo dhaweeyay Cadaado.

0

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cumar ( Alcadaala ) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Maamulka Degmadda, Saraakiisha ammaanka iyo boqolaal Dadweynaha ah ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa uga hortagay duleedka magaalada si ay u soo dhaweyaan.

Soo dhoweynta Wasiir oo ahayd mid si heer sara ah loo soo agaasimay ayaa oo ka turjumaysa ka shaqeynta nabadda iyo horumarka Bulasho.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf (Alcadaala) ayaa inta uu Cadaado joogo kulamo la qaadan doona Maamulka, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyaradda Magaalada.

Ad
Previous articleDhageyso Madaxweyne Qoor qoor oo daahfuray munaasabad lagu soo bandhigayay warbixin ku saabsan sahanka caafimaadka iyo macluumaadka dadka Galmudug.
Next articleMidowga Dhalinyarada Cali Gaaf oo Muqdisho Looga dhawaaqay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here