Home Wararka Somaliya Galmudug Midowga Dhalinyarada Cali Gaaf oo Muqdisho Looga dhawaaqay (Sawiro)

Midowga Dhalinyarada Cali Gaaf oo Muqdisho Looga dhawaaqay (Sawiro)

0

Dhalinyarada ku Bahoobay Madasha Talawadaag ee Beesha Cali Gaaf ayaa Muqdisho ka dhigay Munaasabad si Heer sara ah Loo soo agaasimay oo Beesha Cali Gaaf dhalinyaradooda ay ku shaacinayeen Midowga Dhalinyarada Beesha, waxayna La Magac baxeen Talawadaag.

Dhamaan Duqowda Dhaqanka Beesha, Qaar ka mid ah Waxgaradka siyaasiinta iyo Culimada ayaana ka Qeyb-galay Munaasabadaan Shaacinta Madashaan.

Dhalinyarada Beesha Cali Gaaf ayaa u Midoobay sidii Loo Hormari lahaa Deegaanada Galmudug gaar ahaan Degmada Galcad ee Gobalka Galgaduud iyo Deegaanada Hoostaga.

Degmada Galcad oo ka mid ah Degmooyinka ay Maamulaan Alshabaab ayaa dhalinyarada ka soo Jeeda waxay u istaageen isku xirnaan iyo sidii Loo xoojin lahaa in Cali Gaaf uu Midnimo ka dhex-abuuro dhalinyarada Beesha.

Gudoomiyaha dhalinyarada Beesha Cali gaaf ayaana Loo Caleema saaray Sayid Cumar Cali Nuur oo ah nin dhalinyara ah oo Xog ogaal u ah Beesha dhaxdeeda.

Halkaan ka Daawo sawirada.

Ad
Previous articleWasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya oo si weyn Loogu soo dhaweeyay Cadaado.
Next articleRa’isul Wasaaraha soomaaliya oo Magacaabay Guddiyada Doorashada Dowlad Gobaleed iyo DF (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here