Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wasiir ka tirsanaa Xukuumada Rooble oo goordhow Xldhibaan loo Doortay

Wasiir ka tirsanaa Xukuumada Rooble oo goordhow Xldhibaan loo Doortay

0

Waxaa saakay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka socota doorashada xildhibaano kamid noqonaya gollaha shacabka , waxaana maanta magaaladaasi lagu wadaa in lagu doorto ilaa lix Xildhibaan.

Kursiga tirsigiisu ahaa HOP032 ayaa goordhaw lagu doortay magaalada Baledweyne, waxaana kursigan ku tartamayay Xildhibaankii horey ugu fadhiyay Xildhibaan Khaliid Cabdi Cumar oo ah Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Musharax Axmed Cumar Gurey.

Doorashada kursigan waxaa ku guuleestay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo helay 81 cod halka musharaxii la tartmayay  Axmed Cumar Gurey isna helay 10-cod, waxaa halaabay ilaa 7-cod.

Doorashada ka socota magaalada Baledweyne ayaa lamid ah doorashada ka socota magaalooyinka kale ee dalka oo intooda badan loo xilray Shaqsiyaad si gaar ah loo wato ,kuwaa oo ay la tartamayaan xubno malxiis ah ay soo qorteen.

Ad
Previous articleWariye ka Tirsanaa Telefishinada Soomaaliya oo Alshabaab ku Biiray(Sawiro)
Next articleAfhayeenkii Xukuumada P.M Rooble oo Xildhibaan ku Guulaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here