Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Afhayeenkii Xukuumada P.M Rooble oo Xildhibaan ku Guulaystay.

Afhayeenkii Xukuumada P.M Rooble oo Xildhibaan ku Guulaystay.

0

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya ayaa ka socota magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana goordhaw la doortay kursigii labaad ee doorashadiisa halkaasi ka dhacday.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP068 ayaa goordhaw waxaa kusoo baxay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ,kaddib markii tartanka doorashada uga tanaasulay musharaxii la tartamayay.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo horey u ahaa wariye caan ah oo kasoo shaqeeyay Idaacada BBC-da ayaa dhawaan kasoo labatay dalka Turkiga oo lagu daweenayay dhaawac kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa door weyn ka qaatay sidii Maxamed Ibraahin Macalimuu sanadkan uga mid noqon lahaa Gollaha shacabka ,maadaama noloshiisa halis u galiyay u shaqeynta xukuumadda.

Ad
Previous articleWasiir ka tirsanaa Xukuumada Rooble oo goordhow Xldhibaan loo Doortay
Next articleDowlada Ukrain oo Codsi udirtay Shacabkeeda Iyo ajaanibta Ku nool Dalkeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here