Home Wararka Somaliya Puntland Wasiir Juxa oo weerar culus ku qaaday Isimada Maamulka Puntland

Wasiir Juxa oo weerar culus ku qaaday Isimada Maamulka Puntland

0

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo war cusub soo saaray ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Isimada Dhaqanka ee ka soo jeeda maamulkaasi.

Juxa ayaa shaaca ka qaaday in Isimadu ay indhaha ka laabteen xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Garoowe.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inay ka gaabiyeen doorkii looga baahnaa ee ahaa inay qabtaan cidda gar-daran ee diidan doorashooyinka maamulkaasi.

Wasiirka ayaa xusay in ka maamul ahaan ay dadaaleen, si aysan rabshado u dhicin, balse taasi ganafka lagu dhuftay, markii ay tallaabooyin kale qaadeen xubnaha mucaaradka.

“Geed dheer iyo mid gaaban ba waan u kordhay in aysan dhibaato dhicin. Ma aysan suurto galin inay isimadu dadka kala dhex galaan, oo qabtaan cidda qaldan” ayuu yiri Juxa.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay aad uga xun yihiin aamusnaanta Ismida, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday, dhiigna uu ku daaday magaalada Garoowe.

“Taas waa arrin aan kaa xunnahay in kaalintii loo baahnaa oo isimadu xilligii qabashada lahayd oo digniinta lahayd aysan ugu baraarugin,” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in hoggaanka Punland u diyaar u yahay inay la fariisto cid kasta oo tabashada ka qabta hannaanka loo wado doorashooyinka maamulkaasi.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo furista dastuurka oo ay isku qabteen xukuumadda Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.

Ad
Previous articleMuuse Biixi oo war lama filaan ah kasoo saaray dagaalka Laascaanood
Next articleCali jayte oo Ka Hadlay Warna Kasoo Saaray inuu noqday Madaxweynaha Hoiraan State

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here