Home Wararka Maanta Muuse Biixi oo war lama filaan ah kasoo saaray dagaalka Laascaanood

Muuse Biixi oo war lama filaan ah kasoo saaray dagaalka Laascaanood

0

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay munaasabadda 26 June oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa si lama filaan ah uga hadlay dagaalka weli ka socda aagga Laascaanood.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada ka taagan Laascaanood laga soo abaabulay dibadda, isla-markaana halkaas laga geystay dil iyo dhaawac aan loo baahneyn.

“Maanta dhibaatada dibadda laga soo agaasimay ayaa ku dhacday reer Laascaanood, qax aan loo baahneyn ayaa la geliyay, dil aan loo baahneyn baa dhacay, dhaawacbaa dhacay, weli la’isku weydiin muxuu noogu dhacay?” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidankiisa aysan marnaba weerarin Laascaanood, balse markastaa lasoo weeraray, iyaguna ay is difaacayeen.

“Somaliland horay umay dilin, haddana kumay duulin waxaa dagaal dhacaayay maalin qura Somaliland weerar ma qaadin xabadna kumay horeyn, tu lagu soo riday oo daafacday mooyaanee, shalay iyo maantaa u dambeeyay madaafiic ayey nagu soo rideen” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Laascaanood ay ka dagaalamayaa ciidanka  gaarka ah ee Puntland iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Nimanka halkaa jooga ma’aha reer Laascaanood waa ciidankii Puntland, weliba kuwii ay tababareen dowladaha shisheeye ee magaca gaarka ah la baxay ee daganaa Boosaaso, waxa kale oo joogo oo nina aan ka qarsooneyn unugyo kamid ah Al-Shabaab iyo Argagixisada oo gudaha u galay Laascaanood” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay diyaar u tahay wada-hadal, isla-markaana ay ku baaqeyso nabad iyo xabad joojin.

“Waxaa ku baaqeynaa, nabad, wadadahadal xabad joojin wax taa dhaama garan meyno” ayuu khdubaddiisa kusoo gabageeyay madaxweynaha Somaliland.

Ad
Previous articleDaraasad cusub oo xal waara u heshay bidaarta dhibka ku heysa ragga iyo dumarka!
Next articleWasiir Juxa oo weerar culus ku qaaday Isimada Maamulka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here