Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo war cusub soo saaray ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Isimada Dhaqanka ee ka soo jeeda maamulkaasi.
Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inay ka gaabiyeen doorkii looga baahnaa ee ahaa inay qabtaan cidda gar-daran ee diidan doorashooyinka maamulkaasi.
Wasiirka ayaa xusay in ka maamul ahaan ay dadaaleen, si aysan rabshado u dhicin, balse taasi ganafka lagu dhuftay, markii ay tallaabooyin kale qaadeen xubnaha mucaaradka.
“Geed dheer iyo mid gaaban ba waan u kordhay in aysan dhibaato dhicin. Ma aysan suurto galin inay isimadu dadka kala dhex galaan, oo qabtaan cidda qaldan” ayuu yiri Juxa.
Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay aad uga xun yihiin aamusnaanta Ismida, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday, dhiigna uu ku daaday magaalada Garoowe.
“Taas waa arrin aan kaa xunnahay in kaalintii loo baahnaa oo isimadu xilligii qabashada lahayd oo digniinta lahayd aysan ugu baraarugin,” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay.
Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo furista dastuurka oo ay isku qabteen xukuumadda Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.