Home Wararka Maanta Wasiir Cabdirisaaq oo Gaaray Baladweyne kuna wajahan Maxaas Xili Xasan Shiikh uguuraayo...

Wasiir Cabdirisaaq oo Gaaray Baladweyne kuna wajahan Maxaas Xili Xasan Shiikh uguuraayo Maxaas

0

Batroolka iyo Macdanta ee XFS  Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka degay magaalada Beledweyene ee gobolka Hiiraan.

Wasiir Cabdirisaaq oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaaladaas ayaa sheegay inay u sii gudbayaan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wasiir Cabdirisaaq ayaa shaaciyey in seddax arrin ay u tegayaan magaalada Maxaas, waxay kala yihiin:

1 – In ciidanka xoogga dalka ee Maxaas jooga ay ku dhiirigeliyaan dagaalka Khawaarijta looga xoreynayo dalka, kuwaas oo ka soo laabtay furinta deegaanka Wabxo, isla markaana isugu tegay Maxaas.

2 – In ay dhiirigeliyaan ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley, kuwaas oo ku guuleystay inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dhamaan deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan.

3 – Inay garab istaag u muujiyaan Madaxweynaha Qaranka Xasan Sheekh Maxamuud oo sida uu sheegay wasiirku aad ugu baahan garab istaaga dadkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in wixii ka dambeeya berri oo Sabti ah uu safar ku tegayo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo toddobaadkaan ay gaareen ciidamo ka soo gadooday furimaha dagaalka.

Maalmihii lasoo dhaafay jaho wareer xoog leh ayaa soo wajahay howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab, kadib markii ciidamada qaranka ay soo baneeyeen furimaha dagaalka ee deegaanadii laga xoreeyey kooxda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb ayaa qorsheynaya inuu Maxaas kula kulmo saraakiisha ciidankii soo baneeyey furimaha, sidoo kale r/wasaaraha ayaa todobaadkaan ciidamadaas qaar uga hortegay degmada Aadan-yabaal, isagoo ka codsaday inay furimaha ku laabtaan.

Ad
Previous articleShiikh Shariif oo Si adag ugu Hadlay Dagaalkii Cowswayne Xili la sheegay inuu ku biiray Xisbiga Nabad iyo Nolol
Next articleDowlada Soomaaliya oo War kasoo Saartay Dagaalkii Alshabaab ku Qaadeen Degmada Qoryooleey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here