Home Wararka Maanta Shiikh Shariif oo Si adag ugu Hadlay Dagaalkii Cowswayne Xili la sheegay...

Shiikh Shariif oo Si adag ugu Hadlay Dagaalkii Cowswayne Xili la sheegay inuu ku biiray Xisbiga Nabad iyo Nolol

0

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay weerarkii Cowswayne oo ay ku baxeen saraakiil iyo askar badan, kaasi oo la sheegay in ay ku timid talo-xumada masuuliyiinta qaar.

Waxa uu sheegay in aan laga sii aamusnaan karin qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa, ayna tahay in masuuliyadeeda qaataan dadka ay quseeyso.

“Msuuliyadiisa waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore. Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda,” ayuu Shariif Sheekh Axmed ku yiri qoraal uu maanta soo saaray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in caddeeyay inuu si buuxda u garab taagan yahay dagaalka ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan argagaxisada Al-Shabaab.

“Mowqifkeena ku aaddan la dagaallanka cadowga waa mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba,” ayuu markale ku yiri qoraalka uusoo saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Shariif ayaa waxa kale oo uu dalbaday in aan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, islamarkaana la siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen, sida uu yiri.

“Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka.”

Hadalka Shariif ayaa imanaya ka gadaal markii madaxdii hore ee dalka ay saacadihii lasoo dhaafay ku baaqeen in la taageero dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, xilli xiisad culus ka dhalatay weerarkii u dambeeyay ee lagu laayey askar badan, oo la sheegay inay ku timid talo-xumada masuuliyiinta qaar ee hoggaamisa ciidanka.
Ad
Previous articleCiidamada Puntland oo magaalada Laascaanood ka bilaabay howl-gal ballaaran kadib dalab uga yimida hoggaanka SSC-khaatumo
Next articleWasiir Cabdirisaaq oo Gaaray Baladweyne kuna wajahan Maxaas Xili Xasan Shiikh uguuraayo Maxaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here