Home Wararka Maanta Wasiir Beyle”Waxaa kordhinaynaa Musharka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya”

Wasiir Beyle”Waxaa kordhinaynaa Musharka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya”

0

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ballan qaad u sameeyey ciidanka Booliska, kadib markii uu ka qayb-galay munaasabad loogu mahadcelinayey ciidamada ammaanka.

Bayle ayaa sheegay in dhammaan askarta Booliska Soomaaliya loo sameyn doono mushaar kordhin galeyso mushaarka ciidamada, raashinka iyo gunnada ay qaataan, si loogu abaal-guda wax-qabadka ay la yimaadeen.

Wasiirka maaliyadda ayaa xusay in Booliska Soomaaliya uu si weyn uga shaqeeyey amniga doorashooyinkii lagu soo gaba-gabeeyey caasimada, loona baahan yahay in la dhiirageliyo.

“Waxaa ballan ah ilaah baa wax weliba og in waxa aad qaadaneysaan wax lagu daro ayaa talada ku jirta, Raashinka in la kordhiyo, Gunnoooyinka oo la kala baddelo lana kordhiyo & mushaarka in wax lagu daro haddii alle wax nasiiyo,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxman Bayle.

Ad
Previous articleAlshabaab oo weerar ku Dilay masuul Sare oo ka Tirsana Dowlada Kenya
Next articleP.M Rooble oo kulan la Qaatay Xildhibaano Dhawaan la Doortay Lana Dardaarmay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here