Home Wararka Maanta P.M Rooble oo kulan la Qaatay Xildhibaano Dhawaan la Doortay Lana Dardaarmay(Sawiro)

P.M Rooble oo kulan la Qaatay Xildhibaano Dhawaan la Doortay Lana Dardaarmay(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa casho sharaf u sameeyay xildhibaannada Golaha Shacabka ee Banaadiriga ee dhawaan la doortay iyo Guddiyada Doorashooyinka SIEIT Banaadiriga, Heer Federaal iyo Xallinta khilaafaadka.

Rooble ayaana kula dardaarmay Xildhibaanada gollaha shacabka ee Banaadiriga in codkooda ku badbaadiyaan dalka uguna hiiliyaan , waxa uuna u sheegay in dalka hada ku jiro marxalad adag loogana fadhiyo Xildhibaanada in qeyb ka noqdaan badbaadinta dalka.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale uga mahad celiyay guddiyada Doorahsooyinka Heer Federaal, SIEIT Banaadiriga iyo Xallinta Khilaafaadka uga mahadceliyay habkii ay u maareeyeen doorashada kuraasta Banaadiriga ee dhawaan la soo gebogebeeyay.

Ad
Previous articleWasiir Beyle”Waxaa kordhinaynaa Musharka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya”
Next articleDeg Deg: Midkamid ah Gudiga Dooashooyinka Puntland oo is Casilay iyo Sababta oo la ogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here