Home Wararka Maanta Wasaaradii Sababtay Shaqaaqadii ka Dhacday Garoonka Muqdisho oo Warsaxafadeed Soo Saartay

Wasaaradii Sababtay Shaqaaqadii ka Dhacday Garoonka Muqdisho oo Warsaxafadeed Soo Saartay

0

Warsaxafadeedkan kuma xusna qodobkii muranka dhaliyay ee $9-ka dollar. Wasaaraddu waxay isku dayday iney sumcad ahaan isu-badbaadiso oo ay eedda u leexiso diyaaraddaha, laakiin waxaa muhiim ah in Dowladdu cadeyso in mashruucii 9ka dollar meesha laga saaray iyo inkale.

Diyaaraddaha si gaar ah ayaa loo canshuura, tikidhada canshuur ayaa saaran, lacag bad-qab ahna waa laga qaada rakaabka diyaaraddaha gudaha aadda iyo kuwa dibbada aadda, oo tikidhada ayaa mar hore lagu lifaaqay lacagaha bad-qabka.

Qodobbada ay wasiiraddu ku dooddeyso waa waajib Dowladdeed, mana jirto sabab ay dadka ugu waajibin karaan 9 dollar oo ku dhaceyso akoon shaqsi ah, sidoo kale xogta amni ee muwaadiniinta Soomaaliyeed la isagama dhiibi karo shirkad gaar ah oo aan la aqoonin cida ay la wadaageyso.

Ad
Previous articleGo’aanka maxkamadda ka dib maxaa u qorsheysan qoyska Luul?
Next articleXuutiyiinta oo jaray xargaha internerka ee badda gunteeda mara iyo saamaynta ay ku yeelanayso Soomaaliya iyo dalal kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here