Home Wararka Maanta Go’aanka maxkamadda ka dib maxaa u qorsheysan qoyska Luul?

Go’aanka maxkamadda ka dib maxaa u qorsheysan qoyska Luul?

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta dil ku xukuntay Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo lagu eedeeyay gubashada xaaskiisii oo lagu magacaabo Luul Cabdulcasiis oo u geeriyootey dhawaac ka soo gaarey dabka.

Kiiska Luul Sheekh Cabdulcasiis oo ahayd hooyo uur leh ayay dad badan ka dhursugayeen xukunka maanta ee Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Luul – oo sida la sheegay xaamilo ahayd – ayaa labadii February u geeriyootay dhaawaca gubasho dabayaaqadii January kasoo gaartay gurigii ay degganaayeen ee magaalada Muqdisho.

Meydkeeda ayaa ilaa iyo haatan ku jira qaboojiyaha.

Muxuu ka yiri qareenka Sayid-Cali?

Maxkamadda ayaa sheegtay in uu racfaan ka furan yahay xukunka Sayid-Cali.

Qoyska wiilka ayaan ka hadlin arrintan, balse abukaate Cali Xalane oo ah qareenkii u doodayay Sayid-Cali ayaa sheegay in lama filaan uu ku noqday go’aanka maxkamadda ka soo baxay.

“Ma aanan fileyn inuu xukunkaa soo baxo oo macmiilkeenna uu ku dhaco,” ayuu yiri abukaate Cali.

Abukaate Cali Xalane ayaa dhanka kale sheegay in racfaan ay ka qaadan doonaan xukunka soo baxay ee ah in la toogto.

“Maxkamadda waxay soo saartay labo xukun, xukun tilmaamaya ciqaab iyo xukun tilmaamaya racfaan qaadasho, annaga waxaan xaq u yeelannay xukunkii tilmaamayay racfaan qaadashada xukunkaas isaga ahna racfaan ayaan ka qaadannay.” Ayuu intaa ku daray.

Muxuu ka yiri Luul aabbaheed?

Sheek Cabdicasiis Maxamed oo ah aabbaha dhalay Luul ayaa si wayn u soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda ee maaanta.

Sheekh Cabdicasiis ayaa BBC u sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay heleen “caddaaladdii ay muddada dheer raadinayeen.”

“Wallaahi lama soo koobi karo farxadda, maxaa yeelay caddaalad ayaa meesha la raadinayay caddaaladdiina alxamdulillahi waa la helay, inkastoo ay fulintii dhiman tahay, haddee shucuurteyda iska dhaafee dadka kale ayaad ka dareemi kartay” ayuu yiri Sheekh Cabdicasiis.

Waxaa uu intaa ku daray in xukunkan uu ahaa mid ay filayeen islamarkana uu eedeysanaha qudhiisa qirtay wax walbana ay caddaayeen.

“Sadar muuqda su’aal ka dhan ayaa la yiri, marka meeshaan wixii wuu qirtay wuuna sheegay in saa loo daahiyo ayaaba khalad ahayd,” ayuu intaa ku daray .

Cabdicasiis oo dhanka kale aan wax ka waydiinnay goorta la aasayo meydka gabadhiisa ayaa sheegay in ballantii uu qaaday ay ahayd in hal mar la aaso gabadhiisa iyo Sayid-Cali.

Balse waxaa uu farta ku fiiqay in maaddaama imika xukunka racfaan laga qaadanayo islamarkana bilooyin inay qaadato laga yaabo ay qoyska ka tashanayaan sida laga yeelayo meydka Luul.

“Ballantii ugu horreysay iyo hadalkii aan ku hadlaynay wuxuu ahaa in la isla duugo marka wax lala duugayo ma laha, sababtoo ah hadda iyo racfaan iyo afar bilood waaye marka waa laga tashanayaa wax weeyn ma aha,” ayuu yiri.

Sheekh Cabdicasiis ayaa xusay in qoyska aysan qorshe ugu jirin waanwaan ama inay mag qaataa, sababtana ay tahay “qaabka xun eeay gabadhiisa u geeriyootay.”

Waxaa uu dhanka kale hoosta ka xarriiqay in uu doonayo in gabadhiisa ay tusaale u noqoto gabdhaha kale ee Soomaaliyeed oo caddaalad ay heshay gabadhiisa ay ku badbaadi karaan gabdho badan.

“Sideedaba annaga mag ma qaadanno waliba cafiskeenna ayaa badan marka tan qaab -darad gabadha loo dilay iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah bari ka maalin aysan waddo u noqonin oo sidii loo dilay gabadheyda marka gabdhihii kale in sidaas loo gubin ayaan ku talagalnay.” Ayuu yiri.

Ad
Previous articleMarkab xamuul oo lagu weeraray Gacanka Cadan
Next articleWasaaradii Sababtay Shaqaaqadii ka Dhacday Garoonka Muqdisho oo Warsaxafadeed Soo Saartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here