Home Wararka Somaliya Galmudug Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya oo Gurmad u dirtay Gurceel {SAWIRO}

Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya oo Gurmad u dirtay Gurceel {SAWIRO}

0
Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka XFS ayaa gargaar deg deg u dirtay magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmuudg ay ka wadeen dagaal ka dhan ah Ahlusuna waljameeca.
Wasiirka Gargaraka iyo maareynta musiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye Ayaa sheegtay in gargaarka oo ka kooban teendhooyin iyo maryaha kaneecada laga hoos galo uu gaari doono maanta iyo bari si loo gaarsiiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay howlgaladii la socday maalmahi lasoo dhaafay magaaladaasi.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  ee Muqdisho ayaa waxaa ka qaaday Diyaarad shixnadaan Gurmad ah waxayna ka dejin doontaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Ad
Previous articleCiidamadii Ahlusunna oo Gabi ahaan isaga baxay Degmada Gurceel
Next articleDhageyso Taliyaha Boliiska Gurceel oo ka hadlay Arima Xasaasi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here