Home Wararka Maanta Wasaaradda Cafimaadka Soomaaliya oo War ka Soo saartay Shaybaarka Covid19

Wasaaradda Cafimaadka Soomaaliya oo War ka Soo saartay Shaybaarka Covid19

0

Wasaaradda Cafimaadka Iyo Daryelka Bulshada Waxay mas’uul katahay Ilaalinta Iyo Bixinta Shahaadada baarista Covid-19 ee lasinayo Dadka ka dhoofayo Dalka. Wasaarada Caafimaadka waxay halkaan hoose ku cadeynaysaa shaybaarada haysta ogolaanshiyaha shaqo ee baarista Xanuunka COVID19, sheybaaradaas oo ah kuwa buuxiyay shuruudahii wasaaradda ay u dajisay tayada baarista ee xanuunksa COVID19.

Hadaba waxaa lagu wargalinayaa dadka ubaahan barista COVID19 si ay u safraan in ay adeegyada baarista ka qaadankaraan oo kaliya goobaha iyo xarumaha sheybaarada ay wasaaraddu siiay ogolaanshada oo uu adeegi doono bushada lacag dhan $ 30 dollar sida lagu cadeeyay heshiiska adeeg bixinta ee labada dhinac.

F.G: Isbitaallada Dowlada waxay barista COVID19 u samayn doonaan oo kaliya dadka xanuunsanaya ama ay Takhaatiirtu uga shakiyeen inuu qabo xanuunka balse ahayn ujeedo baris safar ee COVID19, halka dadka safraya lagu baarayo xarumaha sheybaarada ay wasaaraddu siiay ogolaanshada.

Ad
Previous articleNISA oo lagu amray Inay Wareejiso amniga Garoonka Diyaaradaha muqdisho
Next articleWasaarada Caafmaadka Galmudug oo lawareegtay Hospitalka Guud ee Cadaaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here