Home Wararka Maanta Wasaarada Caafmaadka Galmudug oo lawareegtay Hospitalka Guud ee Cadaaado

Wasaarada Caafmaadka Galmudug oo lawareegtay Hospitalka Guud ee Cadaaado

0

Maamulka Degmada Caabudwaaq iyo Wasaaradda Caafimaad Dowlad Goboleedka Galmudug oo la wareegay Isbitaalka Guud ee Degmada Caabudwaaq.

Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Gargaarka Maaraynta Musiibooyinka Dowladda Galmudug oo ay wehliyaan Maamulka Degmada Caabudwaaq oo uu horkacaayay Gudoomiyaha Degmada Faarax Cabdille Xasan Samadoon ayaa Maanta la wareegay Isbitaalka Guud ee Degmada Caabudwaaq, oo kamid ah Xarumihii Caafimaadka ee Dawladii dhexe dad waynaha loogu adeegi jiray, oo in muddo ah ay gacanta ku hayeen Mutadawiciin si wanaagsan usoo ilaaliyay Hantida dadwaynaha.

Cali Faarax Diiriye oo kamid ah dadka gacanta ku haayay Isbitaalka ayaa maamulka Degmada ku wareejiyay Xaruntaan Caafimaad oo Bulshada Waqooyiga Gobolka Galgaduud loogu adeegi doono.

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq, iyo Wasiirma Caafimaadka iyo Wasiirka Gaargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ayaa u mahadceliyay dadka Gacanta ku haayay Isbitaalka, Sidoo kalana waxay baaq u direen Hay’adaha bixiya Adeegyada Caafimaadka iyo Gargaarka inay bulshada ugu adeegaan.

 

Ad
Previous articleWasaaradda Cafimaadka Soomaaliya oo War ka Soo saartay Shaybaarka Covid19
Next articleWaa Maxay Cudurka Cusub ee Florona ee ka Bilowday Israel iyo Saameynta uu Leeyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here