Home Wararka Somaliya Galmudug Wasaaradda Caafimadka Galmudug oo Cadaado kafurtay tababarka gabdhaha shaqaalaha cusub ee marwo...

Wasaaradda Caafimadka Galmudug oo Cadaado kafurtay tababarka gabdhaha shaqaalaha cusub ee marwo caafimaad

0

Wasaaradda Caafimadka Galmudug ayaa maanta magalaada Cadaado ee galmudug ka furtay tababarka gabdhaha shaqaalaha cusub ee marwo caafimaad qeybtii 1aad.

Xafladaani oo ah daahfurka tababarka gabdhaha shaqaalaha cusub ee marwo caafimaad wajigiisa 1aad oo ey Wasaaradda furtay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr.Cabdiweli Cabdullahi Jaamac, Sanatar Saciid Siyaad Shirwac ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka , Guddoomiyaha Degmada Cadaado Mudane Tootoole, Xildhibaano Galmudug, uqaybsanaha Galmudug ee mashruucaan Dhanka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug .
Tababarkaan oo socon doona muddo 45 maalin ah ayaa loo qaban doonaa 100 Marwo Caafimaadka iyo 7 kormeere oo Dhamaan ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ee kakala yimid Dhamaan deegaanada Galmudug .

 

Inta ay socotay xafladaan furitaanka ayaa waxaa kahadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Cabdiwali Maxamed Axmed
oo si faahfaahsan usharaxay ujedada tababarkaan looqabanayo.

 

Guddoomiyaha Degmada Cadaado iyo Xildhibaan Cabdi Takiye ayaa dhankooda xafladaani furitaanka ka hadlay, waxayna sheegeen inuu Muhiim yahay adeegaan Marwo aadna ay u dhiiragalinayaan.

Wasiirka Bey’ada iyo Isbedelka Cimilada Galmudug ahna Sanatarka aqalka sare ee Soomaaliya Saciid Siyaad Shirwac ayaa bogaadiyey furitanka tababarkan Marwo Caafimaad ee maanta laga daahfuray Cadaado

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Galmudug Dr.Cabdiweli Cabdullahi Jaamac ayaa daahfuray tabarka gabdhaha shaqaalaha cusub ee Marwo Caafimaad wajigiisa 1aad isagoona Ku booriyay in waxa ay ka bartaan tababarkaan cilmiyeesan ay wax ugu qabtaan bulshada reer Galmudug.

Ad
Previous articleAkhriso Magacyada Xildhibaanada lagu dooranayo Kismaayo ee xalay lagu dhawaaqay
Next articleMaamulka Gobalka Mudug oo amar duldhigay ajaanibta ku sugan Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here