Wasaaradda Amniga Galmudug oo shaacisay in Duqeyn iyo dagaal Lagu qaaday Saldhig shabaab ee ku yaala Galmudug

Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa War ka soo saartay Duqmeyo iyo dagaal ka soconaya Qeybo Ka mid ah Gobalka Mudug.

Qoraal ka soobaxay Wasaarada Amniga Galmudug ayaa u qornaa sidaan ”

Dagaal iyo duqayn dhanka cirka ayaa ka socota saldhig kale Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qaycad iyo Hareere Dheere, ayadoo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda galeen saldhigga la duqeeyey.

Duqaynta saakay ayaa noqonaysa tii saddexaad oo deegaanada koofurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo argagixisada Shabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar.