Home Wararka Maanta Warrakii ugu Danbeeyey Arday Dugsi Quraan oo Loo laayay aano Qabiil Galmudug

Warrakii ugu Danbeeyey Arday Dugsi Quraan oo Loo laayay aano Qabiil Galmudug

0

Wararka ka imaanaya dowlad deegaanada Galmudug ayaa sheegaya in shan wiil oo aad u yar yar aano qabiil loogu dilay degaan hoos-tago Qabalaha Qorof ee Santarka Kaxandhalle Degmada Gallaadi.

Wiilashan la dilay oo kan ugu weyn uu jiro 13-sanno jir ayaa la sheegay xilliga la dilayay ay ka tageen goob xaflad aroos ah ka socotay, waxa ayna wiilashan seexdeen meel u dhaw dugsi Quráan ay dhiganayeen halkaas oo lagu dilay,

Dadka deegaanka ayaa ku waramay dilka wiilashan in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan, waxaana dilkan argagaxa leh la tilmaamay in uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo horey uga dhacay deegaanno hoostaga degmada Gallaadi.

Ciidamada booliiska dowlad deegaanka ayaa bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan dableydii dilka geesatay, waxa ayna saraakiisha laamaha amniga tilmaameen in sharciga la horgeyn doono ragii dilkaasi ka dambeeyay.

Ad
Previous articleDiyaarado Dagaal oo Alshabaab ku shirsanaa Galmudug Duqayn ku Laayay
Next articleAxmed Madoobe oo Markii Ugu Horaysay La Kulmay Siyaasiyiintii Gobalka Gedo ee kasoo Horjeeday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here