Home Wararka Somaliya Galmudug Diyaarado Dagaal oo Alshabaab ku shirsanaa Galmudug Duqayn ku Laayay

Diyaarado Dagaal oo Alshabaab ku shirsanaa Galmudug Duqayn ku Laayay

0

Diyaarado dagaal ayaa saakay duqeymo la beegsaday goob la sheegay in Al Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo ismiidaamin ah, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Telefishinka dowladda oo soo xiganaya saraakiil milatari ayaa baahiyay in la duqeeyay garaash weyn oo Al Shabaab ku diyaarinayeen qaraxyo, waxa ayna sheegeen in halkaasi lagu bur buriyay afar gaari oo Al Shabaab qaraxyo ku diyaarinayeen.

Weerarkan ayaa saraakiisha dowladda sheegeen in lagu dilay xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah ugu qaabilsanaa sameynta qaraxyada iyo diyaarintooda.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Al Shabaab howlgalkan  lagu gaarsiiyay jab xooggan, waxa uuna ballan-qaaday wasiirka in xogta weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay din ka faah faahin doonaan.

Weerarkan dhinaca cirka ah ayaa imaanaya xilli ay socdaan abaabulka howlgalo dowladda dooneyso in ay kusoo afjarto kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud.

Ad
Previous articleXamsa Cabdi Barre oo Shir aan caadi ahyn La Qaatay Mudane Shane Dixon(Sawiro)
Next articleWarrakii ugu Danbeeyey Arday Dugsi Quraan oo Loo laayay aano Qabiil Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here