Wararka ka imaanaya dowlad deegaanada Galmudug ayaa sheegaya in shan wiil oo aad u yar yar aano qabiil loogu dilay degaan hoos-tago Qabalaha Qorof ee Santarka Kaxandhalle Degmada Gallaadi.
Wiilashan la dilay oo kan ugu weyn uu jiro 13-sanno jir ayaa la sheegay xilliga la dilayay ay ka tageen goob xaflad aroos ah ka socotay, waxa ayna wiilashan seexdeen meel u dhaw dugsi Quráan ay dhiganayeen halkaas oo lagu dilay,
Dadka deegaanka ayaa ku waramay dilka wiilashan in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan, waxaana dilkan argagaxa leh la tilmaamay in uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo horey uga dhacay deegaanno hoostaga degmada Gallaadi.
Ciidamada booliiska dowlad deegaanka ayaa bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan dableydii dilka geesatay, waxa ayna saraakiisha laamaha amniga tilmaameen in sharciga la horgeyn doono ragii dilkaasi ka dambeeyay.
Ehelada carruurtan aan dambiga gelin ee la dilay ayaa ka codsaday maamulka dowlad deegaanka in ay soo qabtaan raggii ka dambeeyay dilka loo geestay wiilashooda, waxaana jirta cabsi laga qabo in aargudasho ay ka dhacaan deegaanka.
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo