Home Wararka Maanta Warmurtiyeed laga Soo saaray Shirkii Xasan Shiikh Adisababa u aaday

Warmurtiyeed laga Soo saaray Shirkii Xasan Shiikh Adisababa u aaday

0

Sida kamuuqata warsaxaafadeedka kasoo baxay shirweynaha Madaxda Afrika ee kasocday Addis Ababa, ayaa lasoo qaaday xaalka Soomaaliya iyo Itoobiya, looguna baaqay wada hadal in ay galaan, iyadoo aan lasoo qaadin dhinaca ficiladii anshaxa garab-marsanaa ee ay Itoobiya kula kacday Madaxweynaha Soomaaliya.

“Midowga Afrika waxa uu ka walaacsan yahay xiisadda weli socota ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taasi oo daba socota saxeexii horraantii January ay wada galeen Itoobiya iyo Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) iyo sida uu u saamaynayo amniga iyo xasiloonida gobolka, Ururka Midowga Afrika waxa ka go’an taageerada midnimada, iskaashiga iyo madax-bannaanida dhammaan waddamada xubnaha ka ah oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Afrika.

Midowga Afrika qoraalkooda, waxaa lagu sheegay in loo baahan yahay wada hadal ay yeeshaan Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo bilowgii xiisadan Golaha Amniga iyo Nabadda Afrika ay Ergay magacaabeen, kaas oo aysan soo dhaweyn Soomaaliya.

“Sidaas darteed, waxa Ururka Midowga Afrika waxa uu ugu baaqayaa labada waddan in ay xiisadda dejiyaan kana shaqeeyaan wada hadal midho dhal ah oo horseeda heshiis nabadgalyo ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Ethiopia
Next articleMaxay yihiin taalaaboyinka u furan Soomaaliya inay qaaddo ka dib khilaafkii ka dhashay galitaanka xarunta shirka midowga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here