Home Wararka Maanta Maxay yihiin taalaaboyinka u furan Soomaaliya inay qaaddo ka dib khilaafkii ka...

Maxay yihiin taalaaboyinka u furan Soomaaliya inay qaaddo ka dib khilaafkii ka dhashay galitaanka xarunta shirka midowga Afrika

0

Ka dib xiisada cusub ee ka dhex oogantay Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muujinaysa sida Muqdisho iyo Addis Ababa ugu kala fogaanayaan khilaafaadkii soo bilowday bilowgii sanadkan.

Sida uu qabo Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo aqalka sare ee Soomaaliya xubin ka ah “waa in dowladu qaaddaa talaabooyin jawaab u noqon kara wixii maanta ka dhacay Addis Ababa”.

Profasoorka ayaa BBC-da u sheegay in ay mudan tahay “in la xiro safaaradda Sooomalidu ku leedahay Addis Ababa, loona yeero safiirka iyo diblomaasiyiinta kale ee jooga sidaas oo kalana la eryo safiirka iyo diblomasiyiinta Itoobiya ka jooga Muqdisho”.

Tan labaad ayuu ku sheegay inay tahay in dowlada Soomaalida “dalka ka saarto ciidamada Itoobiya ka jooga dalka ha ahaadeen kuwa ku jira ATMIS iyo kuwa kalaba” ayuu BBC u sheegay Prof Samatar.

“Sidoo kale waa in la joojiyaa duulimaadka shrikadda Ethiopian Airlines oo gabi ahaaba la joojiyaa” ayuu yiri Prof Samatar.

Maxaa la gudboon Midowga Afrika?

Addis Ababa ayaa ah xarunta Midowga Afrika sida uu qabo axdiga Ururka, oo ah mid ay wadaagaan dalalka Afrika oo dhan taas oo ilaalisa wadajirka iyo midnimada Afrika.

Sida uu BBC-da u sheegay Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar, arrinta inteeda ugu weyn waxay u talaa Midowga Afrika, lagana sugayo inay jawaab ka bixiyaan arintaasi adag.

“Diblomaasiyad ahaan waxaa la sameeyaa ‘ciqaab’ dowlada arintaas ku kacday waa in lagu ciqaabaa inay bixiso raali galin, tusaale ahaan in Ra’iisul wasaraha Itoobiya soo istaago oo raali galin uu siiyo Soomaaliya” ayuu yiri Prof Samatar.

“Tan labaadna waa in Soomaaliya farta ku goddaa in Itoobiya aysan noqon karin xarunta Midowga Afrika taasna waxay Soomaaliya ku helaysaa dowlado badan oo ku taageeraya”.

Doorkii Soomaaliya ku lahayd in Addis Ababa Xarun u noqoto Midowga Afrika.

Dhamaadka bishii May 1963 ayaa la asaasay ururka Midowga Afrika oo xiligaas ahaa ‘OAU’ ka dib shir ay Addis Ababa ku yeesheen Soddon iyo laba dal oo xiligaas xor ahaa Afrika.

Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyey ee xubin ka noqda Ururka Midowga Afrika, isla markaana waxaa Muqdisho lagu qabtay mid ka mid shirarkii ugu muhimsanaa ee AU-da todobaaneeyadii.

Intaas ka dibna kow iyo labaatan dal ayaa ku biiray ururka ilaa sanadihii 2000, ka dibna waxaa loo bixiyey ‘AU’ oo ah Midowga Afrika.

Sida uu BBC-da u sheegay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, Soomaaliya ayaa codkii ugu danbeyey siisay Itoobiya in Addis Ababa noqoto Xarunta Midowga Afrika.

Midowga Afrika ayaan wali ka hadlin hadalka Soomaaliya iyo sida Itoobiya uga jawaabtay toona.

Ad
Previous articleWarmurtiyeed laga Soo saaray Shirkii Xasan Shiikh Adisababa u aaday
Next articleAlshabaab Doonaayay inay Weeraraan Degmo ka Tirsan Galmudug oo Cagta Lamariyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here