Home Wararka Maanta Wariye udhashay Mareykanka oo loo haysto Basaasnimo

Wariye udhashay Mareykanka oo loo haysto Basaasnimo

0

Maxkamad ku taal Moscow ayaa diiday racfaan uu weriye ushaqeeyo Wall Street Journal, Evan Gershkovich, ka qaatay.

Ninkan u dhasahy Mareykanka ayaa la xiray saddex bilood ka hor, isagoo lagu eedeeyay basaasnimo.

Safiirka Mareykanka ee Moscow Lynne Tracy ayaa ku tilmaantay eedeymahaas kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, iyadoo sheegtay in saxafiga si qalad ah loo xiray.

Eedeymaha basaasnimada ayaa ugu badnaan qofka lagu xukumaa ilaa labaatan sano oo xarig ah.

Mr Gershkovich waa wariyihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo lagu eedeeyo in uu howlo basaasnimo ah uu kawaday Ruushka tani iyo dagaalkii qaboobaa.

Ad
Previous articleYuusuf Dabageed oo ammar siiyay Saraakiisha ATMIS iyo kuwa booliiska Xili Cali jayte Xarumihii Hiiraan ka Wareegay(Sawirro)
Next article‘Isoo dir goobta aad joogto’ :Ninka leh Twitter-ka iyo midka leh Facebook-ga oo dagaal isku balansaday