Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Yuusuf Dabageed oo ammar siiyay Saraakiisha ATMIS iyo kuwa booliiska Xili Cali...

Yuusuf Dabageed oo ammar siiyay Saraakiisha ATMIS iyo kuwa booliiska Xili Cali jayte Xarumihii Hiiraan ka Wareegay(Sawirro)

0

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle mudane Yuusuf Ahmed hagar oo u wehliyo guddoomiyaha gobalka Hiiraan Mudane Cabdulaahi Axmed maalin (Sufuroow) ayaa kulan la qaatay saraakiisha sar sare ciidamada ATMIS ee sector 4-iyo saraakiisha booslika gobalka Hiiraan .

Kulankan ayaa looga hadlayay sugida amniga gobalka iyo sidii ay iskala shaqeeyn lahaayen maamulka cusub ee gobalka Hiiraan ,laamaha ammaanka iyo saraakiisha ciidamada ATMIS.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan mudane Cabdulaahi Axmed Maalin ayaa warbixino la xiriiro howlahooda shaqo ka dhageeystay saraakisha ciidamada ATMIS isagoo ku amaanay sida aay uga go’antahay hormarinta mabad-galyada iyo sugida amniga si loo xaqiijiyo hufnaanta amniga.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle mudane Yuusuf Ahmed hagar ayaa amray saraakiisha ciidamada ATMIS iyo saraakiisha booliska gobalka Hiiraan in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee gobalka Hiiraan loo magacaabay.

Ad
Previous articleWaa kuma Wiilka colaadda lagala soo qaxay ee ku dhintay dagaalkii Garowe
Next articleWariye udhashay Mareykanka oo loo haysto Basaasnimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here