Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Alshabaab ku Qaadeen Deegaanka Ceel lahelay

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Alshabaab ku Qaadeen Deegaanka Ceel lahelay

0

Dagaal Culus oo Alshabaab Galabtay Kusoo Qaadeen Deegaanka Ceel lahelay Wararka aan Ka Helayno ayaa Sheegaaya in Alshabaab Galabtay La Wareegeen Deegaanka Ceel lahelay.

Dagaalkaan oo ku Bilowday Qaraxyo Ayaa La sheegay in Alshabaab usuurta Gashay inay Gacanta Ku Dhigaan Deegaanka Ceel lahelay Sidoo kale Alshabaab ayaa Qabsaday Gaadiid Dagaal oo aan Tiradooda Wali la Cayimin.

Danab oo dagaalka Qayb ka ahyd ayaa La Xaqiijiyay inay la Qabsaday laba Gaari Sidoo kale Askar uga Dhimatay Dagaalka. ilaa Haatan Waxaa La Xaqiijiyay in Askari ka Mid ahaa Ciidamada Danab oo lagu magacaabi jiray Caato iyo Gurey Xaraf kana soo jeeday Gaalkacyo  looga Soo Tagay Goobta Dagaalka.

Dhanka kale Gabar ka Tirsanayd Ciidamada Beesha Duduble ayaa ayana Nolol iyo Geeri lagu la.yahay Dad ehelkeeda oo aan Lahadalnay ayaa noo Xaqiijiyay in Telfoonkeedii Alshabaab Qabanayaan.

Alshabaab ayaa La sheegay inay Wateen Tiro maxaabiis ah oo ay ku Qabsadeen Dagaalka  Askarta Beesha Duduble ayaa Sidoo kale la Xaqiijiyay inay Ka Dhinteen ilaa 8 Askari

Magaalada Dhuusamareeb ayaa Hataan Waxaa lasoo Gaarsiiyay Dhaawacyada Ciidamada Dowlada iyo Dadka Deegaanka oo aad u farabadan.

Sidoo kale Diyaaradaha Dagaalka ayaa Si ba,an u Duqeeyey Magaalada Ceel Lehelay, Ciidamada Dowlada yaana Gabi ahaanba Kasoo Baxay Deegaanka oo Dagaal Culus uu ka Dhacay.

Wixii Faahfaahin ah kalasoco Mudug24

 

 

Ad
Previous articleTaliya Ciidanka Xooga Dalka iyo Cali jayte iyo Saraakiil kale oo ku Shiray Maxaas(Sawiro)
Next articleGaari Sahay U Siday Alshabaab oo Gacanta Lagu Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here