Home Wararka Maanta Gaari Sahay U Siday Alshabaab oo Gacanta Lagu Dhigay

Gaari Sahay U Siday Alshabaab oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari Home ah oo sahay u siday Shabaab-ka ku jira howdka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Gaarigaas ayaa lagu qabtay aagga deegaanka Nuur-dugle, xili uu u socday dhanka degmada Ruun-nirgood, halkaas oo ciidamada dowladda ay ku adkaatay inay Shabaab ka saaraan, maadaama ay tahay dhul howd ah.

Gaarigaan ayaa siday Daawo, cuntooyin fudud, sida Buskud, Timir, Caanomaraaci iyo agabyo kale oo sahay u noqon kara dagaalyahanada kooxda ee duurka ku jira.

Sidoo kale gaariga la qabtay waxaa la xaqiijiyey inuu sida ku dhawaad 20 jirgaan oo Shidaal ah, kuwaas oo lagu hoos qariyey alaabta kale, balse ciidanka ayaa dhulka dhigay dhamaan wixii agab saaraa gaariga.

Saraakiisha ciidankii qabtay gaariga siday agabkaan loo waday Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay inay ogaadeen in gaarigu uu alaabo kale u siday dad aan ka tirsaneyn kooxda oo shacab ah, taas oo ku kaliftay inay ka reebaan agabkii ay uga shakiyeen inay Shabaab isticmaali karaan, kadibna ay sii daayaan gaarigii.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa dagaal adag iyo go’doomin ay ku hayaan dowladda iyo shacabka hubka qaatay, taas oo sababtay inay wax sahay ah waayaan Shabaab-ka ka dagaalama Galmudug.

Halka ay iska galaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud oo gaariga sahayda siday uu u socday waxaa la sheegay inay buuxaan maleeshiyaad iyo saraakiil Shabaab ah oo qaba dhaawacyo ka soo gaaray dagaalo toos ah iyo duqeymo ay dowladdu u geysatay.

Muuqaal laga soo duubay agabka uu siday gaariga la qabtay wuxuu muujinayaa in daawooyinka loo isticmaalo dhaawacyada ay ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa dhiig joojinta iyo qalajiyaha, daawooyinkaas oo la rumeysan yahay in loo waday Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa deegaanka Nuurdugle ku dejiyey agabkaas, kadibna waxay iska fasaxeen gaarigii siday, maadaama uu sahay kale u siday dad la xaqiijiyey inay shacab yihiin.
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Cuslaa ee Alshabaab ku Qaadeen Deegaanka Ceel lahelay
Next articleMadaxweynaha Fransiiska oo sheegay in safiirkiisii Niger “afduub loo haysto”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here