Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Ganacsade Cabduqaadir Jeemis

Wararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Ganacsade Cabduqaadir Jeemis

0

Kooxo burcad hubeysan oon wali heybtooda la garan ayaa xalay magaalada Swellendam oo qiyaastii 225km u jirta magaalada Cape Town , ku dilay Cabduqaadir Jeemis oo kamid ahaa ganacsatada ugu waa weyn ee ku dhaqan magaaladaasi.

Ganacsadaha ayaa la sheegay in kooxo burcad hubeysan ku weerareen goobtiisa ganaci, waxa ayna sheegeen goobjoogayaal in ganacsadaha lagu dhuftay dhowr xabadood oo sababtay in uu geeriyoodo.

Marxuumka, ayaa sida ay eheladiisa xaqiijiyeen maalmihii lasoo dhaafay la kulmayey Hanjabaadyo kaga imaanayey unugyo kamid ah buracada hubeysan ee lacagaha baada ah ka qaada ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah.

Burcada oo lacago baad ah ka rabtay ayaa la sheegay in ganacsadaha marar badan ugu hanjabeen in ay dili doonaan, waxa ayna xalay dileen burcada hubeysan ganacsade Cabduqaadir Jeemis oo in ka badan 20-sanno deganaa magaalada lagu dilay.

Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika ee ka howlgala magaalada dilku ka dhacay ayaa baaritaanno ka sameeyay goobta dilku ka dhacay, waxa ayna sheegeen ciidamada in ay soo qaban doonaan burcadii dilka geesatay.
Ad
Previous articleXamaas waxay doonayaan in laba shardi la oofiyo si aysan dhibaato u gaarin dadka u qafaalan
Next articleTaliye Sare Caliim Sacad oo katirsanaa Saraakiisha Israail oo lagu dilay Weerar Gaadmo ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here