Home Wararka Maanta Taliye Sare Caliim Sacad oo katirsanaa Saraakiisha Israail oo lagu dilay Weerar...

Taliye Sare Caliim Sacad oo katirsanaa Saraakiisha Israail oo lagu dilay Weerar Gaadmo ah

0

Dagaalyahanno ka tirsan garabka guutada Al-Qudus ee milliteriga ururka Jihad Islamic ayaa waxay shalay galab weerareen xero ay milliteriga Israel ku leeyihiin meel ku dhow xuduudka Lubnaan.

Iska horimaad ka dhacay xerada Islaamiyiinta weerareen ayaa lagu dilay taliye kuxigeenkii guutada 300-aad ee qeybta 91-aad ee ciiddanka Israel, kaasi oo lagu magacaabi jirey Caliim Sacad.

Waxaa sidoo kale iska horimaadkan khasaaro kala duwan lagu gaarsiiyay qaar kale oo kamid ah ciidamada milatariga Yahuuda, kuwaa oo wajahaya xaalado adag kaddib weerarkii ururka Xamaas.

Dhanka kale, labo Dagaalyahan oo ka tirsan islamic Jihad ayaa ku geeriyooday Weerarkaasi, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jirey Xamsa Xasan Muuse oo 21 jir ahaa iyo Riyaad Maxamed Qiblawi oo 23 jir ahaa.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Ganacsade Cabduqaadir Jeemis
Next articleJoe Biden oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan Codsi ku aadan Dagaalka Kasocda Qasa Udiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here