Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Xiliga Xasan Shiikh Tagaayo Degamada Maxaas

Wararkii ugu Danbeeyey Xiliga Xasan Shiikh Tagaayo Degamada Maxaas

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno la socda ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan gaaraan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka socda qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha.

Ammaanka degmada Maxaas ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waddooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa lagu xiray gaadiid dagaal, waxaana magaalada ka howlgalaya oo ammaanka sugaya ciidamo cusub oo koofiya gaduud u badan.

Degmada Maxaas waxaa sidoo kale ka socda abaabulka soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdiga la socda, waxaana halkaasi lagu diyaariyay sawirada madaxweynaha iyo caleemo qoyan oo wafdiga lagu soo dhaweenayo.

Waxaa shalay degmada Maxaas gaaray wafdi uu hoggaaminayay wasiirka batroolka Soomaaliya , waxaana wafdiga kamid ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeytre Cismaan oo muddooyinkii dambe dowladda khilaaf kala dhaxeeyay.

Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Ka Hadlay Sababata Ciidamada Dowlada uga Soo Baxeen Deegaanadii laga Qabsaday
Next articleGudoomiye Madaale oo Shacabka Gobalka Banaadir Baaq ku aadain Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here