Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo Ka Hadlay Sababata Ciidamada Dowlada uga Soo Baxeen Deegaanadii...

Gudoomiye Madaale oo Ka Hadlay Sababata Ciidamada Dowlada uga Soo Baxeen Deegaanadii laga Qabsaday

0

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qayb-galay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Madaale ayaa marka hore boggaadiyay guulaha laga gaaray howlgallada ka socda deegaanada Galmudug, wuxuuna sheegay in lagu xoreeyay dhul ballaaran.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale soo hadal qaaday deegaanadii ay dhowaan ka soo baxeen ciidamada dowladda, wuxuuna tilmaamay inay tahay arrin farsamo iyo xeelad milatari.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada Xoogga dalka, isaga oo sheegay inay ku laaban doonaan furinta dagaalka.

“Ciidamada muddo badan ayay meesha ku jireen dhuudhuujin ayaa loo soo qaaday xeryahooda ayayna joogaan, waana laabanayaan” ayuu yiri Yuusuf Madaale.

Guddoomiyaha gobolka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Al-Shabaab jab xoogan lagu gaarsiiyay howlgallada iyo duqeymaha ka socda inta badan gobollada dalka, waxaana uu tilmaamay in la burburiyay saldhigyo waa weyn iyo xarumo kale oo ay laheyd kooxda.

“Dagaal marka la galaayo qaabab badan ayuu leeyahay, xeelado dagaal ayuu leeyahay cadowga beryahaan cirkaa laga duqeynaayay” ayuu sii raaciyay guddoomiyuhu.

Yuusuf Madaale ayaa kamid ahaa madaxdii uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha ee todobaadkii hore booqashada ku tegay taliska ciidamada ee degmada Aadan Yabaal.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ciidamada huwanta ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan Galmudug oo uu weli ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad
Previous articleToddobaad kadib su’aalaha ku gedaamaan weerarkii Cowsweyne
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Xiliga Xasan Shiikh Tagaayo Degamada Maxaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here