Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Xildhibaan Ibraahim Dayfullah oo Muqdisho lagu dilay

Wararkii ugu Danbeeyey Xildhibaan Ibraahim Dayfullah oo Muqdisho lagu dilay

0

Waxaa Galabtay Casirkii Asagoo kasoo BaxaybMasaajid kubyaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho lagu dilay Ibraahim Saalax Deyfullaah oo ka mid ahaa baarlamaankii 9-aad ee dalka.

Koox hubeysan ayaa la xaqiijiyey in Marxuumka ay toogteen xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla degmada lagu dilay ee Wadajir.

Maamulka degmada iyo laamaha amnigu wali kama hadlin dilka AUN xildhibaan hore Ibraahim Deyfullaah.

Xildhibaanka ayaa muddo ku noolaa degmada Wadajir, lamana garanayo sababta loo dilay iyo cidda beegsatay.

Raggii dilay oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa goobta isaga baxsaday, laamaha amniga oo naloo xaqiijiyey inay goobta ka ag-dhawaayeena kuma guuleysan inay soo qabtaan ragga dilka geystay.

Inkastoo aysan weli sheegan, hadana waxaa la aaminsan yahay in kooxda Al-Shabaab ay dishay marxuumka, waxaana la beegsaday markii uu ka soo baxay Masjidka.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay Muqdisho waxay ka nasatay dilalkii qorsheysnaa ee loo geysa jiray haldoorka caasimadda, haba ugu badnaadeene siyaasiyiinta, saraakiisha iyo dhalinyarada aqoonyahanka ah.

Kooxda Al-Shabaab waxaa muddooyinkaan dambe ku adkaatay inay geysaan dilalkii qorsheysnaa iyo qaraxyadii ay ka fuli jireen caasimadda, waxaana laga howlgeliyey Muqdisho ciidankii igu badnaa uguna xirfadda fiicnaa, iyadoo madaxda ugu sareysa dowladda ay balan qaadeen in amni lagu soo dabaali doono caasimadda dalka.

Ad
Previous articleXaaska madaxweyne Museveni oo lagfa helay xanuunka Covid-19
Next articleBilyaneerkii ka taajiray geerida dad ay Soomaali ka mid tahay oo isna geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here