Home Wararka Maanta Bilyaneerkii ka taajiray geerida dad ay Soomaali ka mid tahay oo isna...

Bilyaneerkii ka taajiray geerida dad ay Soomaali ka mid tahay oo isna geeriyooday

0

Nin Austrian ah oo soo saaray mid ka mid ah bistooladaha ugu caansan adduunka ayaa ku dhintay da’da 94 jir.

Gaston Glock, oo ah ‘injineer’ ayaa shirkadda Glock 1963-dii ka aasaasay Deutsch-Wagram, oo u dhow Vienna.

Shirkadda Glock ayaa ku dhawaaqday dhimashadiisa iyadoo sheegtay in aasaasahoodii dhintay.

Waxa uu sidoo kale sameeyay bistoolada loo yaqaan Glock oo caan ka ah dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay taas oo galaafatay nolosha malaayiin qof.

Mr Glock waxa uu ifka kaga tagay xaas, gabadh iyo laba wiil.

In kasta oo uu caan ku ahaa sameynta hubka, Glock waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa bilyaneer waqtigiisa intiisa badan ku qaatay dhul haro ah oo ku yaal Austria.

Marar dhif ah ayuu ka soo muuqday warbaahinta, kaliya wuxuu cinwaanno sameeyay markii buug ganacsigiisa ku saabsan la daabacay 2012, ka dib markii ay kala tageen xaaskiisii ugu horreysay 2011 iyo markii saaxiib ganacsi uu isku dayay inuu dilo dhammaadkii 1990-meeyadii.

Glock, oo dhashay 1929-kii, waxa uu kuliyad ku taalla Vienna ku bartay injineernimada farsamada. Ka dib waxa uu magaalo ka baxsan caasimadda Austria ka aasaasay ganacsi.

Horraantii 1980-meeyadii, ganacsiga saadka milatari ahaa ayuu ballaariyey oo uu ku soo daray bistooladan wuxuuna ka jawaabay codsi ka yimid ciidanka Austria oo raadinayay inay cusbooneysiiyaan bastooladooda.

Glock waxa uu nashqadeeyay oo uu shati u sameeyay bastoolad fudud oo 9-millimitir ah, taas oo qaadi karta 18 xabadood oo si fudud dib loogu cabeyn karo rasaasta.

Forbes ayaa sanadka 2021-kii ku qiyaastay hantida gaarka ah ee Glock $1.1 bilyan.

Bistooladan Glock waxaa adeegsada booliiska iyo ciidamada militariga waddamo badan, iyo sidoo kale dad gaar ah.

Misaan aahaan aad ayay u fududahay qiime ahaan way jaban tahay, dhanka kalsoonidana maalaayin ayay hanatay bistooladan.

Laakiin qaar badan oo u dooda xakameynta hubka ayaa ku dhaliilay Mr Glock inuu ku caan baxay qoryo xooggan oo ay sheegeen in ay fududahay in la qariyo oo qaadi kara rasaas ka badan qoryaha kale.

Toogasho wadareedkii ugu horeeyay ee la aaminsan yahay inay ku lug lahayd bastoolada Glock waxa ay ahayd 1991 markii George Jo Hennard uu toogtay 24 qof 27 kalana uu dhaawacay.

Halyeeygii hore ee ciidamada Marines-ka Mareykanka oo ku hubeysan waxa ay booliisku ku tilmaameen .45 caliber Glock ayaa 12 qof ku dilay baar ku yaal Thousand Oaks, California, Noofambar 2018.

Dylann Roof oo ka tirsan xisbiga dadka caddaanimada ku weyn tahay ayaa bistoolada Glock u adeegsaday si uu u dilo sagaal qof oo African-Maraykan ah intii lagu guda jiray kalfadhi barasho Kitaabka masiixiyiinta oo ka dhacayay kaniisad ku taal Charleston, South Carolina, bishii Juun, 2015.

Bistooladan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay filimaan ay soo saartay Hollywood. Waxaa filimaantaasi ka mid ah Action Terminator 3: Rise of the Machines iyo The Matrix Reloaded.

Bistooladan ayaa waxaa sidoo kale lagu xusuustaa inuu watay madaxweynihii Ciraaq Saadaam Xuseen markii ay 2003-dii ciidamada Mareykanka ka soo qabanayeen isagoo god ku hoos jira.

Glock marar dhif ayuu ka jawaabi jiray dhaleeceynta uga timaadda ololayaasha xakameynta hubka. Waxa kale oo uu diiday in uu ku biiro shirkado kale oo hubka sameeya kuwaas oo heshiis iskood ah kula jiray dawladda Maraykanka sannadkii 2000 la saxeexday xakamaynta hubka.

Bastooladda Glock waxay ka mid tahay hubka lagu iibiyo suuqyada hubka ee Soomaaliya, inkastoo aan la xaqiijin karin halka ay dalka ka soo gashay.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Xildhibaan Ibraahim Dayfullah oo Muqdisho lagu dilay
Next articleSomaaliland iyo Soomaaliya oo Heshiis Hordhac ah Gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here