Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Weerar lagu Qaaday Wasarada Gashaandhiga Soomaaliya

Wararkii Ugu Danbeeyey Weerar lagu Qaaday Wasarada Gashaandhiga Soomaaliya

0

Waxaa xalay weerar loo adeegsaday hoobiyaal lagu qaaday xartunta wasaaradda Gaashaandhigga ee kutaalla magaalada Muqdisho,waxaana weerarkaasi khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.

Sida aan wararka ku helnay ilaa afar hoobiye ayaa lagu tuuray xarunta wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana hoobiyaasha qaarkood ku dhaceen guryo dad shacab degan yihiin oo ka agdhaw xarunta wasaaradda.

Dhowr qof oo shacab ah ay ku jiraan carruur yar yar ayaa dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen hoobiyaasha lagu garaacay wasaaradda Gaashaandhigga, lamana oga madaafiic kale oo gudaha wasaaradda ku dhacay in khasaaro geesteen.

Weerarka kaddib ayaana ciidamada ilaalada wasaaradda Gaashaandhigga dhankooda waxa ay rideen rasaas, lamana soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay rasaasta ay rideen ciidamada ammaanka.

Ad
Previous articleGanacsade Axmed Tahliil oo lagu Dilay Gaalkacyo
Next articleTurkiga Oo Wacad ku maray inuu Itoobiya Ka Difaaci Doono Xeebaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here