Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Shirka Madasha Wadatashi Qaran ee Muqdisho Ka Furmay(Sawiro)

Wararkii Ugu Danbeeyey Shirka Madasha Wadatashi Qaran ee Muqdisho Ka Furmay(Sawiro)

0

Hoggaamiyayaasha madasha Wadatashiga ee DFS iyo Maamulada Koonfurta dalka ayaa wada hadalo 2 maalin ah uga furmeen Muqdisho, waxaana qodobada ugu muhiimsan ah Galka Doorashada oo ah midka ugu xasaasisan ee waqtiga yaala suuqa siyaasada dalka.

– Dawlad gobaleedyadu waxay rabaan doorasho Dad-ban oo ugaar ah in ay hadda qabsadaan oo sidaas ay taladooda kuyeeshaan, Haddii kale ay helaan mudo kororsi ay la waqti yihiin Madaxweyne Xassan Sheekh, May 2026-ka.

Villa Somalia ayaa dhankeeda rabto doorasho qof iyo cod ah in la qabto, lagana shaqeeyo kahor March 2025-ka si ugu dambeyn June ee sannadka dambe loo qabto, tan kuma qanacsana Dawlad gobaleedyadu.

Labada dhinacba waa is dhakrayaan, qodob kale oo madasha lageynayaa waa in SSCKHaatumo lagu soo daro shirka iyo in kale oo maanta laga doodi doono, ogolaanshana madasha laga raadin doono.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo ka Qaybgaalaya Shirka Madasha wadarashi Qaran Xili Deni Diiday inuu Yimaado
Next articleSayid Cali oo Beri Xukunkiisa Lagu Dhawaaqi Doono