Shirkii maanta ay isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, iyo Gobolka Banaadir ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira amniga iyo dhameystirka la dagaalanka argagaxisada.
Gelinka dambe ee maalinta berri ayaa loo balansan yahay in la guda-galo qodobada la xiriira arrimaha doorashooyinka oo si weyn isha loogu haayo natiijadiisa.
Arrimaha doorashooyinka ayaa noqon doono qodobka ugu culus ee is-mari waaga ka imaan doono, maadaama la ogsoon yahay in madaxda maamulada ay quud-dareenayaan muddo-kororsi ama inay doorashada si iskood ah u maamushaan.
Ad