Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Qarixa Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Gudaha Xero Ciidan...

Wararkii Ugu danbeeyey Qarixa Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Gudaha Xero Ciidan oo ku Taal Muqdisho

0

Qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo ciidan katirsan dowladda, waxa uuna qaraxaas Ismiidaaminta ah ka dhacay Xaafad u dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga, gaar ahaan aagga Guryaha Saraakiisha ee degmada Hodan.

Waxaa la sheegay dhimashada ugu yaraan 2 qof oo ciidan ah iyo dhaawaca 5 kale, waa qaraxii ugu horreeyay oo Ismiidaamin ah oo muddooyinkaan ka dhaca Muqdisho. Magaalada ayaa muddooyinkaan ku jirta jawi nabadeed marka laga reebo madaafiicda ay soo tuuraan AS.

Cabdi Axmed Yuusuf (Afar sheegle) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shebeellada hoose kana soo jeeday Dhuusamareeb-Galmudug ayaa kamid noqday Dadka Ku Dhintay Qaraxaan.

 

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Qarax goordhaw ka dhacay gudaha Xero ay degan yihiin Saraakiil oo kutaalla Muqdisho
Next articleMadaxweyne Xasan shiikh oo La Kulmay Xildhibaanada Federalka Ee laga Soo Doorto koonfur Galbeed kalana Hadlay…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here