Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH:Qarax goordhaw ka dhacay gudaha Xero ay degan yihiin...

WAR DEG DEG AH:Qarax goordhaw ka dhacay gudaha Xero ay degan yihiin Saraakiil oo kutaalla Muqdisho

0

Qarax xooggan oon wali la ogeyn waxa uu yahay ayaa goordhaw ka dhacay gudaha xerada saraakiisha ee ku dhaw wasaaradda gaashaandhigga, qaraxan ayaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhacay goob lagu shaaho oo saraakiisha iyo ciidanka isugu yimaadaan oo kutaalla gudaha xerada saraakiisha, waxaana goobtaan si gaar ah loogu dheeli jiray dublada.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shaca  ah , askar iyo saraakiil, waxaa sidoo kale goobta laga daad-gureeyay dad badan oo dhaawacyo culus qaba.

Ciidamo ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi gaaraya gaadiidka gurmadka deg dega oo goobta ka qaadaya dhaawacyada dadka dhintay iyo waliba dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Ad
Previous articleSomalia oo ka mid noqotay 3-da dal ee ugu badan dadka Maraykanka iska dhiibey
Next articleWararkii Ugu danbeeyey Qarixa Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Gudaha Xero Ciidan oo ku Taal Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here