Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Ruxay Magaalada Nairobi

Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Ruxay Magaalada Nairobi

0

Senetarka Nairobi Edwin Sifuna ayaa sheegay in senate-ka dalka Kenya uu u yeeri doono mas’uuliyiinta Hay’adda Tamarta iyo Shidaalka (Epra), oo uu ku jiro maamulaha guud, taasoo qeyb ka ah tallaabooyinka looga hortagayo shilalka la mid ah qaraxii habeenkii Khamiista dhacay.

Ugu yaraan saddex qof ayaa dhintay, ku dhawaad ​​300 oo kalna waa ay dhaawacmeen qarax ka dhashay gaari xamuul ah oo shidaal waday oo ka dhacay degmada Embakasi magaalada Nairobi.

Guryo, goobo ganacsi iyo baabuur ayaa burbur soo gaaray, iyadoo muuqaal laga duubay goobta uu muujinayay dab aad u xooggan oo ka kacaya meel ku dhow guryo dabaqyo ah.

Taliyaha booliska Embakasi, Wesley Kimeto ayaa sheegay in ilmo uu ka mid yahay dadka ku dhintay qaraxa, isagoo intaa ku daray in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.

Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in 21 caruur ah ay dib ula midoowdeen waalidiintooda, xilli ay wali wadaan dadaallada baadi goobka iyo samata bixinta.

Afhayeenka xukuumadda wuxuu sheegay in gaas la saarayey gaari kuwa xamuulka ah uu ka dhashay qaraxa, ayadoo dab xoog leh uu cirka isku shareeray.

Ad
Previous articleFahad iyo Geelle: Jawaabta Jabuuti ee qoraalkii Fahad Yaasiin
Next articleLuul Cabdicasiis oo Ugu Danbayn u Geeriyootay Dhibaatadii uu ugaystay Seygeeda oo Wali Baxsad ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here