Home Wararka Maanta Luul Cabdicasiis oo Ugu Danbayn u Geeriyootay Dhibaatadii uu ugaystay Seygeeda oo...

Luul Cabdicasiis oo Ugu Danbayn u Geeriyootay Dhibaatadii uu ugaystay Seygeeda oo Wali Baxsad ah

0

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Luul Cabdicasiis oo uu dhawaan seygeeda Dab qabad siiyay kuna Gubay Qolkii ay ku jirtay.

Luul ayaa ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana maalmihii lasoo dhaafay xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayay Isbitaalka Digfeer, ayada oo ugu dambeyn maanta u geeriyootay dhaawicii darnaa ee kasoo gaaray falkaasi.

Marxuumadda ayaa waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay. Ayada oo sidoo kale aheyd hooyo kaligeed ku ahayd korinta lix carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Seygeeda oo lagu magacaabo Sayd-Cali Macallin Daa’uud ayaa la sheegay inuu baasiinka ku gubay xilli ay ku sugnayd gurigeeda. Illaa haddana lama oga sababta ka dambeysa, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan inay salka ku hayso arrimo masayr.

Waxaa socota baarista kiiskaan, waxaana gacanta ku haya laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Ninka dabka qabad siiyay marxuumadda ayaa waxay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, sida uu sheegay Walaalka la dhashay Luul. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in uusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

“Inta aan ognahay waxaa ay ahaayeen lammaane isku faraxsan haddii uu jiri lahaa dhib aan ognahay waan xallin lahayn, ma garan karo waxa u qarsoon haddii uu jiro oo uu ka dhaxeeyay” ayuu Camaadi Cabdicasiis oo geerida Luul maalmo ka hor la hadlay warbaahinta.
Seyga Dilka u Gaystay Xaaskiisa Ayaana Wali Gacanta Lagu soo Dhigin.
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Ruxay Magaalada Nairobi
Next articleBaarlamaanka Itoobiya Oo U yeeray Abiya Axmed kalana Hadlaaya Heshiiiskii Bada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here