Home Wararka Somaliya Jubbaland Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyadii lagu Qaaday Baardheere iyo Khsaaraha Ka Dhashay

Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyadii lagu Qaaday Baardheere iyo Khsaaraha Ka Dhashay

0

Warar dheeraad ah aya ka soo baxaya weerar ku billowday qaraxyo xoogan oo ay maanta kooxda Al-Shabaab ku qaaday gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Weerarkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday xerada ADC ee degmada Baardheere, halkaas oo ay sidoo kale gudaha u galeen rag hubeysan.

khasaaraha ilaa Hada La Xaqiijiyay ayaa Ah Dhimashada 4 Askari  iyo 18 Dhaawac ah oo Dhamaantood ka Mid ahaa Ciidamadii Lagu Tababaraayay Xerada La Weeraray.

Xerada la weeraray ayaa waxaa tababar lagu siinayay ciidamo gaar ah oo loo diyaarinayay xoreynta deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Waa markii 2aad oo ay kooxaha nabadda diidan weeraro qaraxyo ah ku weeraraan saldhig ciidan lagu tababaro oo kuyaala Baardheere, 4tii bilood ee lasoo dhaafay, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa horey u cambaareeyey qorshaha dhismaha Saldhigan iyo ciidamada tababarka lagu siiyo, oo maamulkiisa uu cabsi ka muujiyey, sida uu sheegay dhawaan wasiirka Amniga gudaha ee dawladda Faderaalka.

Ciidamada la tababarayo ayaa qorshahooda yahay, in ay xoreeyaan magaalada Bu’aale, oo ah caasumad gobaleedka Jubbaland, oo tan iyo dhismihii JL ay haystaan kooxaha Argagixiso, taas oo ay Jubbaland ku sifeysay mid aan sharci aheyn howlgalkooda.

Ilaa hadda Jubbalandta Kismaayo kama aysan hadlin weerarka Baardheere, iyadoo la xaqiijinayo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sidaas oo kale ciidan ka tagey Kismaayo ayaa lafilayaa in ay gaaraan deegaano kamid ah gobalka Gedo, si ay qeyb uga noqdaan dadaalada Jubbaland iyo DF ku doonayaan in xubnaha la magacaabay ee Gedo ay gaaraan

 

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Weerar Ku Bilowday Qaraxyo oo Lagu Qaaday Magaalada Baardheere
Next articleATMIS oo Maantay billowday dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here