Home Wararka Maanta ATMIS oo Maantay billowday dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya

ATMIS oo Maantay billowday dhimista ciidamada ka jooga Soomaaliya

0

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Arbcada maanta ah sheegay inuu billaabay dhimista tirada ciidamada, si waafaqsan qorshaha amniga loogu wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya.

“ATMIS waxay billowday yareynta ciidamada si waafaqsan qaraarka QM oo ku qasbaya ATMIS inay 2,000 oo askari kala baxdo Soomaaliya dhammaadka June 2023,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ATMIS.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada weli ay socdaan weerarada dhimashada leh ee kooxda Al-Shabaab, inkasta oo dowladda ay waddo howlgallo ka dhan ah kooxda oo ATMIS ay taageereyso.

Bishii tagtay kaliya, 54 askari oo ka mid ah ciidamada nabad-ilaalinta Uganda ayaa la dilay markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ku yaalla deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarkaas ayaa ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii dowladda ay billowday howlgal xooggan oo ka dhan ah kooxda bartamihii sanadkii tegay.

Howlgalka ATMIS ayaa April sanadkii tegay beddelay howlgalka AMISOM, oo ka koobnaa 20,000 oo askari oo kala kala yimid dhowr dal oo ay ka mid yihiin Burundi, Kenya iyo Uganda.

ATMIS ayaa sheegtay inay saldhig ciidan oo ay ka howlgalayeen ciidamada Burundi oo ku yaalla HirShabeelle u gacan gelisay ciidamada xoogga dalka.

ATMIS ayaa haysata fasax ka badan AMISOM oo ay weeraro ku fulin karto, waxaana qorshahoodu yahay inay amniga Soomaaliya kuw areejiyaan ciidamada xoogga dalka dhammaadka 2024.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyadii lagu Qaaday Baardheere iyo Khsaaraha Ka Dhashay
Next articleAl Shabaab oo War kasoo saartay Weerarkii lagu qaaday xerada Ciidanka ee ADC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here