Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shirar Culus kawada Dhuusamareeb

Wararkii ugu Danbeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shirar Culus kawada Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa halkaasi kawada kulamo siyaasadeed iyo abaabul howlgalka wajiga labaad.

Xasan Sheekh ayaa la kulmay madaxda sare ee maamulka Galmudug, taliyaha nabad sugida Mahad Salaad oo horey ugu sugnaa Dhuusomareeb, wasiirro iyo xildhibaanno heer federaal oo ku sugan magaallada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda uu la kulmay kala hadlay intooda badan xaalada deegaannada Galmudug, gaar ahaan bilaabashada wajiga labaad howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada ay ka joogaal Galmudug.

Sida aan xogta ku helnay Xasan Sheekh ayaa xubnaha uu la kulmay u sheegay in ay ka goántahay in lasoo gaba gabeeyo xoogaga Al Shabaab ee wali ku sugan deegaanno iyo degmooyin katirsan Galmudug.

Taliyaha ugu sareeya ciidanka qalabka sida ahna madaxweynaha dalka Xasan Sheekh ayaa la sheegay in Dhuusomareeb joogi doono maalmo badan uuna halkaasi ka hoggaamin doono howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada Galmudug.

Ad
Previous articleXagee ku dambeeyay wiilkii ay caashaqeen gabdhaha Soomaaliyeed ee hooyo iyo cunugeed gaariga marsiiyay?
Next articleMaxay noqoneysaa shaqada madaxweyne Xasan Shiikh ee bisha soo socta oo uu ku Sugnaan Doono Galmudug?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here