Home Wararka Somaliya Galmudug Maxay noqoneysaa shaqada madaxweyne Xasan Shiikh ee bisha soo socta oo...

Maxay noqoneysaa shaqada madaxweyne Xasan Shiikh ee bisha soo socta oo uu ku Sugnaan Doono Galmudug?

0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in madaxweynuhu uu usoo guuray caasimadda maamulkaas ee Dhuusamareeb uuna halkaas ka shaqeyn doono.

“Ujeeddadiisu waa xoreynta waddanka inuu u gacan bannaanaado oo kulamadii siyaasadeed iyo howlihii kale ee qaranku uu u hayay awoodda uu ku saaro howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in madaxweynuhu uu muddo ku sugnaan doono halkaas, uuna yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee caasimaddii dalka uga soo guura howlgal ka dhan ah al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb joogi doona muddo bil iyo bar ah, sida uu Cali Daahir sheegayna, howlgalka ayuu maamulka Galmudug rajeynayaa in lagu soo afjari doono muddo kooban.

Ciidamada qaranka Soomaaliya ayaa awoodda ugu badan ku yeelaya la dagaallanka al-Shabaab ee gobolka Mudug sida uu sheegay Cali, balse waxaa sidoo kale wehliya kuwa macawisleyda oo garab siinaya.

“Wax ka daba 10,000 oo askari ayay dowladdu u diyaarisay in wajiga labaad ee la dagaallanka al-Shabaab ay ka qeyb qaataan oo guluf xooggan lagu qaado al-Shabaab oo hadda ay awooddoodu wiiqanto,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu dagaalkan dhab ka yahay isla markaana uu doonayo in inta ka dhiman sanadka lagu soo afjaro kooxda.

Howlgalkan waxaa sidoo kale qeyb ka ah duqeymo dhanka cirka ah oo ay iska kaashanayaan hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA iyo saaxiibbada Soomaaliya.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shirar Culus kawada Dhuusamareeb
Next articleCiidamo cusub oo kasoo goostay ciidamada Somaliland oo maanta ku biiray jabhada ku sugan buurta Gacan-Libaax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here