Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta ka hadli doona kulanka Golaha Shacabka ee looga doodayo arrimaha dhameystirka iyo wax ka bedelka Dastuurka oo walaac weyn laga qabo sida dowladdu u wado wax ka bedelka Dastuurka oo qorshihiisa ugu weyn uu yahay in nidaamka Madaxtinimada dalka wax looga bedelo oo ah mid aan loo dhameyn, taasoo loo arko mid dalka u horseedi karta kala qeybsanaan iyo xukun dheereysi.
Shariif Sheikh Axmed oo ahaa Madaxweynihii waqtigiisa sameeyay Dastuurkan KMG ee dalka looga saaray marxaladii dowladdii KMG ee kaddib lagu soo doortay illaa saddex dowladood, dalkana ka hirgelisay hannaan xasillooni iyo in si nabad ah xukunka isugu bedelaan illaa afar Madaxweyne.
Ad