Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu Danbeeyey Khasaaraha Ka dhashay Dagaalkii Saakay Ka Dhacay Gobalka Mudug

Wararkii Ugu Danbeeyey Khasaaraha Ka dhashay Dagaalkii Saakay Ka Dhacay Gobalka Mudug

0

Dagaal Saacado Badan Qaatay ayaa Saakay Aroortii Ka Qarxay gobalka Mudug Kaas oo U dhaxeeyey Laba Maleeshiyo Beeleed oo kala Daga Towfiiq iyo Afbarwaaqo.

Dagaalka oo Dhexmaray Beelaha Shiikhaal iyo Dir ayaa Lasoo warinayaa inuu Ka Dhashay Khasaaro Xoogan oo kala Gaaray Labada Koox Kuwaas oo isugu Jira Dhaawac iyo Dhimasho.

Beesha Shikhaal ayaa La xaqiijiyay in ay ka dhinteen Rag Badan 8 Ruux Halka 25 Dhaawac ah lasoo Gaarsiiyay Degmada Afbarwaaqo Sidoo Kale Dhawac iyo Maydad ayaa La xaqiijiyay inay Kaga Soo Tageen Goobtii Lagu Dagaalamay

Halka Beesha Dir La Sheegay Kudhawaad 9 qof inay ka dhinteen iyo Dhaawac 17 Lagaarsiiyay Towfiiq.

Beesha Dir ayaana Gacanta ku dhigtay Gaari Dagaal oo ay lahaayeen Beesha Shiikhaal Halka ay Mid kalana Gubeen Dagaalkaan ayaa Daba Socday Dagaal lama Maalin kahor Beesha Shikhaal ay Soo Dileen Laba nin oo Dir.

Galmudug ayaa Qorshaynaysa inay Diyaarad U dirto Degmada Afbarwaaqo kuwaas oo lagu soo Qaadaayo Dhaawacyada Beesha Shikhaal oo Lasoo Dhigay Hospital Degmada Afbarwaaqo kaas oo aan Qaadi karin Dhaawacaan Waxaan la filayaa in Galinka Danbe ee Maantay Dhaawacyadaan laga soo Dajiyo Magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleWafdi Kasocda Soomaaliya oo Itoobiya Kala Hadlaaya Badda Soomaaliya oo Hoordhow Duulay
Next articleGalmudug oo Beelaha Dir iyo Mareexaan Heshiis Dhex Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here