Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Howlgalo Hub iyo Ragii Watay oo lagusoo Qabtay Galmudug

Wararkii ugu Danbeeyey Howlgalo Hub iyo Ragii Watay oo lagusoo Qabtay Galmudug

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada ammaanka Galmudug ay howlgallo ka sameeyeen waqooyiga gobolkaasi, gaar ahaan degmada Caabudwaaq iyo agagaarkeeda

Howlgalladan ayaa waxaa lagu soo qabtay hub sharci darro ah iyo shaqsiyaadkii watay, sida uu shaaciyay taliyaha qaybta booliska gobolka Galgaduud, Qalbi Axmed Cali.

Taliyaha ayaa xusay in dadka watay qoryaha ay gacanta kusoo dhigeen ay ku xireen saldhigga degmada Caabdudwaaq, ayna ku hayaan baaritaano dheeraad ah.

“Ciidamada waxa ay ku guuleysteen inay in badan oo kamid dadkaas ay qoryihii kasoo xareeyaan, iyaga laftigoodana ay saldhigga keenaan oo ay kusoo xiraan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadkaas ay u badan yihiin dhalinyaro haysata hub sharci darro ah, balse waxa uu tilmaamay inay haatan ku bilaabeen hub ka dhigis.

“Dhalinyarada qoryaha wadata oo qaybo badan isugu jirta qaybo marka ay ciidanka u yimaadaan hubka ku wareejinaayo waan uga mahadcelineynaa, inta kale oo hartay waan rajeynayaa inay la shaqeeyn doonaan ciidanka” ayuu mar kale yiri taliyaha boolisku.

Waxaa kale oo uu yiri “Cid laga ogolaan doono qoray sharci darro ah inay ku dhex wadato magaalada ma jirto, maadaama waxa lagu sameeynaayo aysan aheyn wax sax ah”.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan howlgallada, ayna ogoaan doonin in hub sharci darro ah lagu qaato magaalada dhexdeeda.

“Insha allah ciidanku waxa ay sii wadi doonaan shaqadooda ahayd cid kasta oo degmada dhexdeeda ku wadata qoray sharci darro ah inay ka howlgalaan” ayuu sii raaciyay.

Inta badan waxaa deegaanada Galmudug ka dhaca dhibtooyin amni, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo ay inta badan maamulkaas ka gaystaan maleeshiyaad hubeysan.
Ad
Previous articleHodan Diiriye Xuseen oo dishay seygeeda oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada
Next articleXildhibaan Barkhad Batuun oo Maantay ka Baaqday Safarkii uu ku imaan lahaa Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here