Home Wararka Maanta Hodan Diiriye Xuseen oo dishay seygeeda oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada

Hodan Diiriye Xuseen oo dishay seygeeda oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada

0

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay haweeney loo haysto inay dil bareer u gaysatay seygeeda iyo askari isna dil ka gaystaY degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Hodan Diiriye Xuseen Cabdulle, isla markaana ah20 jir ayaa kasoo muuqatay Maxkamadda oo dhageystiga kiiskeeda ka billowday Beledxaawo.

Hodan ayaa dishay seygeeda oo lagu magacaabay jiray Marxuum Aadan Cali Aadan Cali oo 30 jir ahaa, sida uu sheegay guddoonka Maxkamadda oo akhriyay eedeedda.

Marxuum Aadan Cali ayaa ahaa askari ka tirsanaa ciidamada Booliska degmada Beledxaawo, wuxuuna dilka ay Hodan u gaystay uu dhacay 10/11/2023-ka.

Dilka ayaa yimid kadib muran soo kala dhex-galay marxuumka iyo Hodan oo Maxkamadda ka hor sameysay qiraal ku aadan dhacdadaasi.

“Way jirtaa laakiin dood sharci ah ayaan ka qabaa” ayay tiri Hodan Diiriye Xuseen oo ka hor hadleysay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale baaraha kiiskan oo goobta ka hadlay ayaa soo bandhigay caddeymo muujinayo inay dilka fulisay haweeneydan oo ugu dambeyn ay soo qabteen ciidamada ammaanka.

“Baarista waxaa iiga soo baxay inay marxuumka gacanteeda ku dishay Hodan Diiriye Xuseen Cabdulle” ayuu isna yiri baaraha kiiska.

Waxaa kale oo Maxkamadda Ciidamada kasoo muuqday Ibraahim Ismaaciil Dhimbil oo isna loo haysto dilka askari kale oo ay ka wada howlgalayeen degmada Beledxaawo.

Qareenada difaacayay eedeysanayaasha oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa Maxkamadda ka codsaday inay u naxariisto, dibna ugu celiso xorriyaddooda.

Ad
Previous articleXabsiga ayaa laga soo daayay ka dib ku dhowaad nus qarni oo u xirnaa dambi uusan geysan
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Howlgalo Hub iyo Ragii Watay oo lagusoo Qabtay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here