Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Go’aano culus oo laga soo saaray shirkii Jaamacadda Carabta

Wararkii Ugu Danbeeyey Go’aano culus oo laga soo saaray shirkii Jaamacadda Carabta

0

Shir deg deg oo ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha dibadda dalalka Jaamacadda Carabta, oo uu khudbad dhanka fogaaan arag ah ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, loogana hadlay damaca Guracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa laga soo saaray Qaraar lambar-kiisu yahay 8988.

Wasiirrada ayaa isku raacay in la xoojiyo taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, sidoo kalena la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirka.

Wasiirrada ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay si sharci ah ku difaacdo dhulkeeda, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaranneed QaramadaMidoobay iyo kan Jaamacadda Carabta, iyadoo la taageerayo tallaabo kasta oo ay go’aansadaan inay qaadaan.

Golaha ayaa isku raacay in taageero buuxda lala garab istaago mowqifka dawladda Soomaaliya ee ku aadanheshiis beenaadkii 1-dii bishaan ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ay sheegeen in uusan waxba ka jirin oo aan la aqbali karin, maadaama uu xad-gudub bareer ah loogu geystay mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay inay Soomaaliya ku taageerayaan inay u gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka dacwad ka dhan ah xadgudubka Itoobiya, iyadoo laga qaadanayo diidmo buuxda heshiis beenaadkaas.

Qodobada ka soo baxay golaha ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Somaliland tahay qeyb kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona baahanyahay ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee JFS, iyadoo la tix-raacayo Axdiga Jaamacadda Carabta iyo Mabaadi’diisa iyo kan Axdiga Qaramada Midoobay.

Golaha ayaa tilmaamay halista uu leedahay xadgudubka Itoobiya oo gobolka ka dhigeysa mid xasilloonidiisa meesha ka saareysa, iyagoo arrintaan u xilsaarray goleyaasha safiirada Carabta ee magaalooyin New York, Goya, Viana, Bruxem, Addis Ababa, Washington, iyo LodenParis, Beijing iyo Mexico, u gudbinta go’aankan ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda wadamada ay joogaan.

Ugu dambeyn wasiirrada ayaa ka codsaday Xoghayaha Guud ee Jamacada Carabta in qodobada ka soo baxay loo sameeyo guddi heer wasiir ah oo dabagal ku sameeya dhaqangelinta go’aannada ka soo baxay, si looga hortago damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Ad
Previous articleDowlada Imaaraadka oo Cadaysay Mowqifkeeda Murqnka Soomaaliya Iyo Itoobiya ee Biyaha Soomaaliya
Next articleHalkee Ayuu Ku Danbeeyaa Xaalka Cabdirashid Janan oo lagu Waayay Magaalada Nairobi?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here