Home Wararka Maanta Halkee Ayuu Ku Danbeeyaa Xaalka Cabdirashid Janan oo lagu Waayay Magaalada Nairobi?

Halkee Ayuu Ku Danbeeyaa Xaalka Cabdirashid Janan oo lagu Waayay Magaalada Nairobi?

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbalanad ayaa ku sugan magaalada Nayroobi oo muddo toddobaad ah lagu la’a yahay wasiirkiisii hore ee Amniga Cabdirashiid Janan, oo ay mudadii dambe isku dhacsanaayeen.

Xildhibaano ku matala Cabdirashiid Janan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliyaiyo odeyaal dhaqan ayaa baaq la xiriira kiiska n u diray dowladda federaalka, iyaga oo muujinaya walaac iyo tuhun la xiriira sababaha iyo dadka ka dambeyn kara xarrigiisa.

Cabdirashiid Janan oo horey u ahaa ragga ugu saameyn weyn siyaasada gobolka Gedo ayaa horey loogu xiray Muqdisho oo uu shaqo u tegay isaga oo ah wasiirka Amniga Jubbaland, isaga oo markii dambe ka baxsaday xabsiga

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jubbaland Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa BBC u sheegay in madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland uu qeyb ka yahay baadigoobka Cabdirashiid Janaan, isaga oo sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe uu u joogo Nayroobi sababo la xiriira kiiska iyo baadigoobka wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland.

“Madaxweynaha Jubaland ayaa hadda ku sugan Nairobi oo runtii isaganaa hadda ku howlan oo kala hadlaya dowladda Kenya,‘’ ayuu yiri Dhuumaal.

Waxa uu intaa ku daray in madaxweyne Axmed Madoobe uu xiriir la sameeyay dowladda Kenya, si uu wax uga ogaado arrinka.

Laakiin maamulka Jubbalanad ma aysan helin wax falcelin ah oo la xiriira kiiska Janan.

‘’Hay’addaha amaanka kenya iyo dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanay inay nala raadiyaan arintaan ilaa hada halkaas ayaan haynaa,’’ ayuu yiri Dhuumaal.

Ma jiraan wax faahfaain ka soo baxday Dowlada Kenya oo ku saabsan maqnaanshaha Janan oo markii ugu danbaysay lagu waayey gudaha Nairobi.

Xildhibaan Maxamed Muxumed oo ka mid ah xildhibanada BFS ee gobolka Gedo lagasoo doortay ayaa warbaahinta u sheegay in markii la waayey uu ku sugnaa xaafada Kilimani ee Nairobi dhamaana xiriradiisa telefoonada dansan yihiin.

‘’ Waan u gudbinay dowlad iyo xukumada in muwaadinkaa la xaqiijiyo badqabkiisa iyo haya’addaha amaanka waana rajaynayaan inaan jawaan ka helno,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Xildhibaan Cabdilaahi Aadan Kulane oo ka tirsan golaha shacabka barlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in welwel ku hayso xaalada Janan.

‘’Waxaan ka walwalsanahay warka maqnaanshaha Cabdirashiid Xassan Cabdinuur( Janan), wasiirkii hore Amniga Jubbaland oo waayadaan dhexe khilaaf kala dhaxeeyay maamulka Jubbaland.

Waxaan ugu baaqayaa dowladda Kenya inay arrintaan baaritaan deg deg ah ku sameyso” ayuu qoraalka ku yiri Cabdilaahi Kulane.

Sidoo kale Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka tirsan baarlamaanka Federalka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X baaq u jeediyey wasaarada Arimaha Dibada ee Soomaaliya

‘’ Afduubka muuqda ee loo geystay Cabdi Rashiid Janan, wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, oo lagu afduubtay magaalada Nairobi, ayaa ah mid aad u walaac galinaya bulshada Soomaaliyeed, Waxaan aad ugu boorinayaa wasarada arimaha dibada Soomaaliya in si deg deg ah ay dowladda Kenya u gudbiso baaritaan rasmi ah,” ayuu yiri Xildhibaan Mursal.

Waayadii danbe Cabdirishadiid Janan wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gado oo ku sugnaa Nairobi oo si weyn uga hor yimid madaxweyne Axmed madoobe iyo siyaasadiisa Jubaland.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Go’aano culus oo laga soo saaray shirkii Jaamacadda Carabta
Next articleFaahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa diyaaradda Itoobiya ee ay dowladda Soomaaliya hawadeeda ka celisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here